Manchester United ayaa 14.5 milyan ginni ku qarashgareysay inay ceyriso Erik ten Hag iyo shaqaalihiisa, sida ay shaaca ka qaadeen xisaabaadka cusub ee kooxda.

United ayaa maanta soo saartay xisaabaadka seddexda bilood ee ugu dambeeya 2024 iyo xirmooyinka magdhowga ah ee loo qeybiyay Ten Hag iyo agaasimihii hore ee isboortiga Dan Ashworth, oo 159 maalmood kaliya ku jiray shaqada, ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay.
Lacag dhan 10.4 milyan ginni ayaa la siiyay Ten Hag iyo shaqaalahiisa tababarka ka dib markii la ceyriyay bishii October halka Ashworth la siiyay 4.1 milyan ginni inkastoo uu muddo kooban hayay hogaanka kubada cagta kooxda, isagoo ka hoos shaqeynayay milkiile Sir Jim Ratcliffe.
Sida laga soo xigtay Mail Sport, United ayaa miisaamisay inay ceyriso tababaraha reer Holland xagaagii, kaliya si ay u soo bandhigto qaab ciyaareed cajiib ah ka dib guushii lama filaanka ahayd ee FA Cup ay ka gaareen Manchester City. Qandaraaskiisa ayaa sidoo kale lagu kordhiyey muujinta iimaanka ee Ineos.
Laakiin ka dib bilawga riyooyinka xilli ciyaareedka, Ten Hag ayaa ugu dambeyntii la tusay albaabka. Caawiyayaasha Rene Hake, Jelle ten Rouwelaar iyo Pieter Morel ayaa sidoo kale baxay, si la mid ah halyeeyga kooxda Ruud van Nistelrooy ka dib afar kulan oo uu si ku meel gaar ah u sii hayay.
Waxaa lagu qiyaasaa in United ay ku qarash gareysay ku dhawaad 60 milyan oo ginni si ay u ceyriso tababarayaasha iyo shaqaalahooda tababarka tan iyo markii Sir Alex Ferguson uu ka fariistay ciyaaraha sanadkii 2013-kii.
Ten Hag ayaa ka tagay Old Trafford ka dib markii uu ku hogaamiyay United seddex guul kaliya sagaalkii kulan ee furitaanka Premier League, halka sidoo kale aysan wax guul ah gaarin Europa League. Ashworth, dhanka kale, wuxuu qaatay kaliya shan bilood doorkiisa.
Waxaa la fahamsan yahay in guruyihii hore ee Newcastle uu garbaha ka qaatay go’aanka lagu sii hayo Ten Hag xagaagii, halka Ratcliffe uu sidoo kale ka reebay dhowr talooyin oo uu soo jeediyay ka dib markii la ceyriyay.
Wadarta qarashka ku baxay shaqaaleysiinta iyo ceyrintiisa waxay gaartey £9m oo naxdin leh.