Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay qasab ku tahay inay xagaagan la soo saxiixdaan ugu yaraan labo ciyaaryahan oo weerar ah.

Reds ayaa 2-1 ku garaacday Newcastle United ciyaartii finalka Carabao Cup ee Axadii ka dhacday garoonka Wembley.
Natiijadaas, oo timid shan maalmood uun ka dib markii ay ka hartay Champions League ee gacanta Paris Saint-Germain, waxay la macno tahay in Arne Slot wiilashiisa ay hadda guuldarreeyeen shan kulan tartamada oo dhan sanadkan, inkastoo aan laga badinin Premier League tan iyo Sebtembar.
Slot waxa uu bedelay Jurgen Klopp xilka tababaranimo ee Liverpool xagaagii hore, tan iyo markaas waxa uu sameeyay kaliya hal saxiix oo kooxda koowaad ah, isagoo keenay Federico Chiesa – kaasoo dhaliyay gool soo daahay Axadii ka dib labo gool oo ay kala dhaliyeen Dan Burn iyo Alexander Isak.
Carragher ayaa ku adkeysanaya in Liverpool ay u baahan tahay inay aad u firfircoonaato suuqa soo aadan.
Isagoo u hadlayay Sky Sports ka dib guuldaradii Wembley ee Axadii, Carragher wuxuu yiri: “Malaha waxay ahayd mid ka mid ah qaab ciyaareedkii ugu xumaa ee aan ku arkay Liverpool finalka koobka.
“Laakiin wax badan ayay bixiyeen xilli ciyaareedkan, waxaana laga badiyay hal kulan oo horyaalka ah. Way adag tahay in aad loo dhaleeceeyo laakiin waxa ay iftiimisay halka ay Liverpool u baahan tahay in ay horumar ka samayso”.
Mohamed Salah, Trent Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk ayaa dhamaantood galay afartii bilood ee ugu danbaysay ee qandaraaskooda haatan, taasoo la micno ah in midkood ama dhamaantood ay dooran karaan inay beeca xorta ah kaga tagaan Anfield xagaagan.
Laakiin Carragher waxa uu ku xisaabtamayaa in Liverpool ay baahi weyn u qabaan xoojinta weerarka xitaa haddii uu Salah sii joogo.
Wuxuu intaas ku daray: “Xawli la’aanta weerarku waa mid muuqata. Waan ka xumahay Mohamed Salah, waa ay ka aamustay PSG, maantana ma ahayn mid heer sare ah, laakiin kama uusan caawin weerarka kale.
“Weeraryahanada kale waa ciyaaryahano fiican laakiin ma ahan kuwa fiican. Waxay u baahan yihiin inay tagaan oo ay soo iibsadaan laba weeraryahan xagaagan si ay uga garab ciyaaraan Salah.
“Toddobaadkii u dambeeyay waxa ay muujiyeen waxa ay u baahan yihiin xagaaga. Waa wax xiiso leh sababtoo ah Liverpool waxay dooneysaa inay ku guuleysato horyaalka, wali waxay u baahan yihiin inay horumar ka sameeyaan meelaha qaar.”