Chelsea ayaa dib ugu soo laabatay afarta sare iyadoo soo afjartay seddexdii kulan ee looga badiyay rekoodhkii guul darradii ka soo gaadhay Stamford Bridge kooxda ugu hoosaysa Premier League ee Southampton.

Ciyaaryahan Christopher Nkunku ayaa daqiiqadii 24-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu madax ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Tosin Adarabioyo kadib koorno uu soo qaaday.
Laba iyo toban daqiiqo ka dib, Nkunku ayaa u dhigay Pedro Neto kaasoo kubad hoose ku garaacay goolhayaha Saints Aaron Ramsdale markii uu goolka u dhaliyay.
Wax yar ka hor inta aan la aadin qeybta nasashada Chelsea ayaa ku dartay gool seddexaad iyadoo Levi Colwill uu kor u kacay isagoo madaxa madaxa ku dhaliyay Neto.
Daqiiqadii 78 aad Tyrique George oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa kubad u soo dhigay Marc Cucurella kaas oo kubad rogaal celis ah si fiican u dhamaystiray.
Kooxda hogaanka heysa ee Chelsea ayaa soo degtay kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka Premier League, iyadoo labo dhibcood ka sareysa Manchester City iyo Newcastle oo Arbacada wada ciyaari doona.
Ciyaarta ka hor ilaa 100 taageere Chelsea ah ayaa mudaaharaad ka dhigay lahaanshaha kooxda iyaga oo wata boorar iyo heeso ay ku qoran yihiin “Todd Boehly out”.
Line-ups
Chelsea XI: Adarabioyo, Cucurella, Nkunku, Sancho, Pedro Neto, Cole Palmer, Jørgensen, Enzo, Caicedo, Colwill, Gusto
Subs: Reece James, Robert Sánchez, Dewsbury-Hall, Wesley Fofana, Josh Acheampong, Tyrique George, Ishé Samuels-Smith, Mathis Amougou, Shumaira Mheuka
Southampton XI: Paul Onuachu, James Bree, Joe Aribo, Walker-Peters, Ramsdale, Will Smallbone, Flynn Downes, Yukinari Sugawara, Bella-Kotchap, Kamaldeen Sulemana, Mateus Fernandes
Subs: McCarthy, Stephens, Ryan Manning, Nathan Wood, Harwood-Bellis, Cameron Archer, Welington, Albert Grønbaek, Tyler Dibling