La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaysa in Juventus ay iibin karto Yildiz hadii ay seegaan u soo bixitaanka champions league xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Juventus ayaa dalban doonta inta u dhaxaysa 80-90 milyan euro si ay uga iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka Turkiga.
Waxaana jira xiiso badan oo ka imaanaya Premier League.
Manchester United, Manchester City, Liverpool iyo Chelsea ayaa dhamaantood isha ku haya Yildiz.
Andrea Cambiaso iyo Dusan Vlahovic waa ciyaartoy kale oo la iibin karo xilli ciyaareedka ka dib.
Juventus ayaa doonaysa in ay kor u qaado ugu yaraan 100 milyan oo euro si ay u iibiso xagaagan.