ARSENAL ayaa laga yaabaa inay wajahdo waddo qarow ah oo ay ugu gudubto finalka Champions League ka dib markii Real Madrid ay garaacday Manchester City.

Kooxda Mikel Arteta ayaa ka mid ahayd siddeed kooxood oo si toos ah ugu soo baxay wareega 16ka.
Taas ayaa la macno ah in ayna ku qasbanayn in ay ka qayb qaataan isreeb-reebka labadii todobaad ee ugu dambeeyay taas oo ay Man city ka reebtay Real Madrid.
Labadan kooxood ayaa koofiyadda laga soo saaray isla dhinacii ay barbaraha la galeen Arsenal, sidaas darteed Gunners ayaa laga yaabaa inay wareega 8da ku kulmaan Real.
Marka hore waa inay dhaafaan PSV Eindhoven ama Feyenoord oo guulo ka gaaray kulamadii Play-offka ee Juventus iyo AC Milan.
Real Madrid ayaa ah kooxda ugu adag ee ay Arsenal ku wajihi karto wareega 8 dhamaadka iyada oo kooxaha Atletico Madrid,Bayern Munich iyo Bayer Leverkusen ay heerkaas ku sugan yihiin.
Hadii ay Arsenal dhaafto mid ka mid ah kooxahaas waxa ay la kulmi kartaa kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka Premier League ee Liverpool.

Gunners ayaa laga yaabaa inay rajeyneyso in Reds ay guuldarro ku soo gaarto wadada, inkastoo Barcelona ama Paris Saint-Germain ay sugi karaan haddii kooxda Arne Slot laga saaro.
Haddii kale, waxaa jirta fursad ay Arsenal ku wajihi karto Lille semi-finalka – taasoo noqon doonta kooxda ugu fudud ee warqadda ugu yaraan.
Taas bedelkeeda Liverpool ayaa heysata kulamo sahlan ilaa semi-finalka, iyadoo PSG iyo Borussia Dortmund lagu doodi karo inay yihiin kooxaha ugu adag ee ay wajihi karaan.