Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid Mesut Ozil ayaa u sheegay kooxda inay wax badan ka qabtaan sidii ay Arda Guler uga ilaalin lahaayeen dhaleeceynta iyo waxyeelada.
Guler waxa uu la dhibtoonayay dhaawacyo 18-kii bilood ee ugu horeeyay Madrid laakiin waxa uu weli aad u qiimeeyaa Carlo Ancelotti.
Kooxda ayaa iska caabisay rabitaanka amaahda xagaagii iyo mar kale bishii Janaayo inkastoo ay dalabyo ka heleen Italy iyo dalkiisa hooyo.
Ancelotti ayaa 19-sano jirkaan u muuqday mid ku fudud qorshihiisa kooxda koowaad bilihii lasoo dhaafay, laakiin waqtigiisa ciyaarta ayaa ah mid xadidan.
Waa isku dheeli tirnaan jilicsan Ancelotti iyo Guler iyadoo talyaanigu uu si fiican u yaqaan waxa ay ku qaadato in lagu ciyaaro kulamada adag ee La Liga iyo UEFA Champions League.
Jadwal badan oo u dhexeeya hadda iyo dhamaadka ololaha, Ancelotti ayaa wax badan ka faa’iidaysan doona Guler, waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka Manchester City bartamaha usbuuca.

Ozil ayaa ku andacoonaya inuu arko wax ay isaga shabahaan isaga iyo Guler labadaba qaab ciyaareedkooda iyo halganka ay ugu jiraan inay saameyn hore ku yeeshaan Madrid.
“Wax badan ayaan naftayda ku arkaa Arda Guler. Waxaan u baahanahay inaan sameyno wax badan si aan u ilaalino hibada isaga oo kale ah,” ayuu u sheegay wareysi uu siiyay TRT Spor.
Iyadoo Real Madrid ay raadineyso inay ku dagaalanto seddex tartan bilaha soo socda, Guler wuxuu rajeynayaa inuu helo fursad, isagoo sidoo kale doonaya inuu soo nooleeyo fursadihiisa caalamiga ah.
Tababaraha Turkiga Vincenzo Montella ayaa horay u muujiyay walaaca uu ka qabo in Guler uusan caan ka aheyn Madrid isagoo doonaya inuu boos ka helo qaranka.
Montella ayaa go’aansan doona maalmaha soo socda inuu ku soo daro shaxdiisa suuqa kala iibsiga ee bisha March.
Turkey ayaa wajihi doonta kulan guri iyo marti ah oo ay la ciyaarayaan Hungary kulan ka tirsan tartanka UEFA Nations League, ka hor inta uuna 2026 u soo bixida koobka aduunka ee FIFA bilaaban doono bisha Sebtember,kadib ciyaar saaxiibtinimo oo ay June la ciyaareen Iran iyo hal koox oo kale
