Barcelona ayaa heshiis ismari-waa ah kula jirtay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ronald Araujo sanadkii ugu fiicnaa markii ay Juventus xiisaynaysay bishii January, todobaad uun ka dibna xiddiga reer Uruguay ayaa xaliyay heshiis cusub. Hadana gabi ahaanba ma joojin hadalada ku saabsan mustaqbalkiisa. Agaasimaha Sporting Deco ayaa qirtay in loo ogolaan doono inuu baxo hadii uusan ku faraxsanayn.
